Libaax saddex caruur ah ku dilay waqooyiga Tansaaniya

Image

DARU SALAM, Tanzania - Saddex carruur ah ayaa libaaxyo ku dileen meel u dhow keydka duurjoogta caanka ah ee Ngorongoro ee Tansaaniya halkaasoo ay u tageen inay raadiyaan lo' luntay, sida booliska sheegay Khamiistii.

"Dhallinyaradan da'doodu u dhaxaysay 9 ilaa 11-jir ayaa Isniintii ka yimid iskuulka waxayna galeen kayn u dhow Aagga Ngorongoro si ay u goobaan xayawaannada maqan," ayuu yiri taliyaha booliiska Arusha, Justine Masejo.

Masejo oo saxaafadda maxaliga ah ay soo xigatay ayaa hadalkiisa wuxuu intaasi sii raaciyey: “Isla goobtaas ayay libaaxyadu ku weerareen oo ay dileen saddex carruur ah halka midna dhaawacmay".

Ngorongoro oo ku taal waqooyiga Tansaaniya waa goob loo aqoonsadey Dhaxal Aduunyo waxayna hoy u tahay duurjoogta oo ay ku jiraan bisadaha waaweyn sida libaaxyada, haramcadka iyo shabeelka.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan ku boorriyo bulshooyinka reer guuraaga ah ee ku xeeran meelahan oo kale inay ka taxaddaraan xayawaanka ba'an gaar ahaan marka ay carruurtooda u xilsaaraan inay xanaaneeyaan xoolaha. Taasi waxay gacan ka geysan doontaa badbaadinta carruurta iyo qoysaskooda," ayuu yiri Masejo.

Tansaaniya ayaa u oggolaanaysa qaar ka mid ah bulshooyinka sida Maasai, oo xoolahooda la daaqa xayawaanka duurjoogta ah, inay ku dhex noolaadaan jardiinooyinka qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, waxay inta badan isku dhacaan xayawaanka sida libaaxyada iyo maroodiga kuwaas oo weerari kara dadka, xoolaha isla markaana xiliyadda qaar laga soo wariyo burburinta dalagga.

Sanadkii la soo dhaafay, Tansaaniya ayaa 36 libaax ka rartay Beerta Qaranka ee Serengeti kadib markii ay weerareen bini'aadam iyo lo' ay lahaayeen bulshooyinka ku xeeran. Isbedelkan wuxuu ka dhashay baaqyo gudaha iyo caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika oo Loo Magacaabay Taliye Cusub

Qaaradda Afrika waa mid leh dhaqaale si degdeg ah u kobcaya iyo bulsho da’yar ah oo rajo u ah dimoqraadiyadda.

  • Afrika

    16-08-2025

  • 09:02AM