Al-Shabaab oo "jab xoogan" loogu geystay gudaha dalka Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Lix looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa lagu dilay degaanka Jirole oo ka tirsan ismaamulka Mandera, maalinimadii Jimcaha, sidda uu daabacay Daily Nation.

Isagoo xaqiijiyey dhacdada taliyaha booliska waqooyi barri, Nicholas Ndalana, ayaa intaas ku daray in ciidamada si gaarka ah u tababaran ay dileen dableyda ayna qabteen mid kale.

"Ciidamada gaarka ah waxay ku guuleysteen in ay soo qabtaan mid, kaasoo dhaawacmay. Balse, waxaa ku socota daaweyn si uu nooga caawiyo baaritaanka," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in howlgalka ay fuliyeen aroornimadii Jimcaha kadib macluumaad ay heleen.

"Waxaan tuhunsanahay in uu baxsaday mid isagoo dhaawac ah, waanna soo qaban doonaa," ayuu xusay.

Goobta uu ka dhacay howlgalka, oo dhibaato badan ay kala kulmayeen daweynaha, waxaa laga bilaabay roondo, sidda laga soo xigtay Mr Ndalana, oo aan tafaasiil badan bixin.

Dhacdadaan ayaa timid maalin kadib markii laba qof lagu dilay weerar ka dhacay Mandera, kaasoo lagu beegsaday bas rakaab.

Baska oo kusii jeeda Nairobi ayaa lagu bartilmaameedsaday inta u dhaxeysa Rhamu-Elwak, sidda bileysku xaqiijiyey.

Labadii bilood ee lasoo dhaafay, Al-Shabaab oo gudaha Kenya gaar ahaan Garissa, Mandera, Wajir iyo Lamu ka fulisay 16 weerar ayaa dishay 20 oo ah dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM