Maalqabeen u dhashay waddanka Tanzania oo geeriyooday

Image

JOHANNESBURG, Koonfur Afrika – Milyineer caan ka ah dalka Tanzania ayaa ku dhintay Isbitaal ku yaala magaaladda Johannesburg ee Koonfur Afrika.

Sidda ay sheegeen saaxiibadii, Ali Mufuruki, ayaa geeriyooday habeenimadii Sabtida, 7-dii December ee sanadkan 2019.

Mufuruki ayaa ahaa gudoomiyaha Infotech Investment Group iyo aas-aasaha Roundtable of Tanzania and Africa Leadership Initiative East Africa.

Mas'uuliyiinta iyo howlwadeenadda hay'addahaan ayaa tacsi u diray dhamaan qoyska, qaraabadda iyo asxaabtiisa.

Mufuruki ayaa la sheegay in uu xanuunka haleelay isaga oo ku sugan Dar es Salaam, caasimadda Tanzania, isla markaana loola cararay Isbitaal.

Hase ahaatee, markii xaaladdu kasii dartay ayaa lagu waramayaa in galabnimadii Sabtida loo qaadey waddanka Koonfur Afrika.

Ali Mufuruki oo ifka kaga tegay afar caruur ayaa la rumeysan yahay in dhaqaalihiisu gaarayeen aduun lacageed dhan 110-milyan oo Doollar-ka Mareykanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM