Macalin mushaarkiisa siiya ardayda faqiirka ah oo hantay hal milyan

Image
Image
Image

DUBAI, UAE – Bare ka dhiga Xisaabta iyo Physics dugsiga sare ee baahiyaha fog gobolka Rift Valley dalka Kenya ayaa ku guuleystay hal milyan oo dollar abaalmarinta macalinka dunida ugu wanagasan sanadkaan 2019.

Biladaan oo ay bixisay Global Teacher Prize taasi oo munsaabada lagu bixiyay xagaagan lagu qabtay Dubai, Sabtidii, ayaa waxaa maal-geliyay xidiga aflaanta Mareykanka ee Hugh Jackman.

Peter Tabichi, kaasi oo helay 80% cod-bixiyaasha, ayaa mushaarkiisa ku taageeray ardayda kasoo jeeda qoyska dabaqada hoose ee nolasha ku jira, sidda ay sheegeen qaban-qaabiyeyaasha xafladda.

"Maalin kasta Afrika bog cusub ayaa u furmaya … Biladaan aniga kaliya ma lihi balse qaaradaan ay ku dhaqan yihiin da'yarta fiican ayaan iska leh. Waxaan halkaan u joogaa waxay gaareen ardaydeeda," ayuu yiri.

Tabichi, oo ka adkaaday Sagaal kale oo kama dambeysta la yimid, ayaa intaasi ku daray in tani ay tahay fursad caalamka u sheegay in dadka ku nool qaarada Afrika ay sameyn karaan wax kasta.

Hay’adda maxaliga ah ee Varkey Foundation taasi oo soo qaban-qaabisay munaasabadaan ayaa ku bogaadisay Tabichi howl-karnimadiisa iyo sida uu u aaminay hibooyinka ardaydiisa.

"Wuxuu ku dhiiraday iyada ay hooseyso adeegyada waxbarashada ee baadiyaha Kenya, halkaasoo uu kasoo saarey arday wax ka bedashay nolasha," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’addaasi.

Tabichi, oo 36-sano jir ah, ayaa ka howlgala Dugsiga Keriko Mixed Day Secondary oo ku yaalla tuulada Pwani, oo dhacda baadiyaha fog ee gobolka Rift Valley, halkaasi abaarta iyo macmuusha ay joogto ka tahay.

Madaxwayne Uhuru Kenyatta oo Tabichi ugu hambalyeeyay muuqaal loo diray warbaahinta ayaa waxaa uu yiri "Sheekadaada waa sheeko Afrika ah, qaarad yar oo la ciir-ciireysa tayo."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM