Madax Afrikaan ah oo u kala dab-qaadaysa Ruushka iyo Ukraine

Image
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ayaa shaaciyey in ay dhowaan booqan doonan labadan dal.

CAPE TOWN, South Africa - Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in wafdi ka socda Afrika ay dhawaan tagi doonaan Ruushka iyo Ukraine si ay u soo bandhigaan qorshe nabadeed.

Shaacinta Cyril Ramaphosa ee safarka la qorsheeyay ayaa timid Talaadadii intii lagu guda jiray kulan warbaahineed oo uu la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Singapore, Lee Hsien Loong.

Waxa uu xusay in koox ka mid ah madaxda Afrika ay doonayaan in ay soo bandhigaan hindise nabadeed oo ka qayb qaadan kara xal u helida khilaafka Ruushka iyo Ukraine.

Ramaphosa waxa uu tibaaxay in uu la hadlay madaxweynayaasha Putin iyo Zelenskyy, kuwaas oo isku raacay in ay diyaar u yihiin in ay qaabilaan ergada madaxda Afrika ee caasimaddooda Moscow iyo Kyiv.

"Waxaan kala hadlay colaadda ka jirta qaybtaas adduunka kamid ah saameyn ku leh nolosha dad badan. Afrikaanka marka loo eego haqab-beelka cuntada, qiimaha bacriminta ayaa kor u kacay, qiimaha badarka ayaa kor u kacay iyo qiimaha shidaalka,” ayuu yiri.

Marka laga soo tago Koonfur Afrika, Zambia, Senegal, Congo Brazzaville, Uganda iyo Masar ayaa dhamaantood qayb ka ah hindisaha oo la aaminsan yahay in reer galbeedka taageerayaan.

Wadahadallada ayaa waxaa la sheegay in ay fududeeysay hay'adda Brazzaville Foundation, oo ah hay'ad aan faa'iido doon ahayn oo fadhigeedu yahay London, diiradda saara xallinta khilaafaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM