Madaxa iskuulkii ku burburay Kenya oo maxkamad lasoo taagay

Image

NAIROBI, Kenya – Mulkiilaha dugsiga Precious Talent School ee Kenya, halkaasi oo fasal uu ka burburay kuna galaaftay sideed arday ayna ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale ayaa maxkamad kasoo muuqdey.

Moses Wainaina Ndirangu oo Khamiistii lasoo xiray ayaa waxa uu baaqi kusii ahaan doonaa xabsiga muddo 15-maalmood ah si baaritaan ku aadan musiibadaasi dhimashada dhalisay loogu sameeyo.

Mr Ndirangu oo maxkamad loosoo taagey dhacdadaasi ayaa waxaa nan fursad loo siin in uu ka hadlo dareenkiisa.

Dacwad oogeyaasha oo xeer-beegtadda waydiistay in uu mudadaasi xirnaado ayaa doonaya in ay su'aalo ka waydiiyaan falka iyo dacwadaha lagu soo oogi karo si ay cadaalad u helaan dhibaneyaasha.

Prof George Magoha, wasiirka Wabarashadda, ayaa ruqsadii kala noqday dugsiga isaga oo amaray in albaabada loo laabo. 800 arday oo ka diiwaan-gishanaa ayaa hadda araajoojin u qoranayo xarumo kale.

Gudoomiyaha magaaladda Nairobi ee Mike Sonko ayaa wuxuu shaqo joojin ku sameeyay 16 mas'uul oo lala xiriiray dhacdadaasi.

Mr Sonko ayaa wuxuu ku eedeeyay shaqaalaha maamulkiisa in aysan ka fiirsan qandaraasyadda ay siinayaa dhismeyaasha.

Xeel-dheereyaasha ayaa aaminsan in burburka dugsiga oo ah wax aalaaba soo noqnoqda ay sabab u yihiin dhismeyaasha oo aanan loo marin hanaanka saxda ah iyo waliba guryaha qaarkood oo gaamuray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM