Madaxda Afrika oo ku hungoobay shirkii labada maalmood ee Ruushka

Image
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa soo afmeeray is-araggan iyadda oo natiijo aan la gaarin.

NAIROBI, Kenya - Hogaamiyeyaasha Afrika ayaa kasoo tagay kulamo laba maalmood ah oo ay la yeelanayaan madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin natiijo la'aan, sidda ay warisay VOA-da.

Madaxda ayaa ku hungoobay codsigooda ahaa in Putin uu dib u bilaabo heshiis ay ku ilaalinayeen haruurka ka soo qulqulaya Ukraine iyo in la helo waddo lagu soo afjaro dagaalka halkaas ka socda.

Putin oo shir jaraa’id qabtay goor dambe oo Sabtidii ka dib shirkii Ruushka iyo Afrika ayaa sheegay in joojinta Ruushka ee heshiiskii hadhuudhka horaantii bishan uu sababay sare u kac ku yimid qiimaha badarka.

Tani ayaa waxaa ka faa’iidaystay ​​shirkadaha Ruushka. Waxa uu intaa ku daray in Moscow ay la wadaagi doonto qaar ka mid ah dakhligaas "dalalka ugu saboolsan."

Ballanqaadkaas, oo aan wax tafaasiil ah lahayn, ayaa daba socota ballan-qaadkii Putin ee ahaa in uu bilaabo dhoofinta 25,000 ilaa 50,000 oo tan oo hadhuudh ah si bilaash ah.

Waxaa helaya mid kasta oo ka mid ah lixda waddan ee Afrikaanka ah saddexda ilaa afarta bilood ee soo socota. Tiradaas waxaa laga dhimay 725,000.

Tiradaas waxaa horey u soo rartay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay iyadda oo loo talagalay dalalka Afrikaan ah iyo kuwo kale, oo hoos yimaada heshiiska hadhuudhka.

Ruushka ayaa qorsheynaya in uu badarka bilaashka ah u diro wadamadda kala ah; Burkina Faso, Zimbabwe, Mali, Somalia, Eritrea iyo Central African Republic oo xaalad khatar ay ka taagan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM