Madaxii maxkamada sare ee Itoobiya oo shaqada ka tagtey

Image
Illaa waqti xaadirkan lama sheegin sababta. Garsoore Meaza ayaa hore u ahayd qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxii maxkamada sare ee dalka Itoobiya, Meaza Ashenafi, iyo ku xigeenkeeda Solomon Areda ayaa si lama filaan ah xilka isaga casilay. Illaa waqti xaadirkan lama sheegin sababta.

Garsoore Meaza, oo hore u ahayd qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka waddanka Itoobiya, ayaa loo magacaabay madaxweynaha maxkamadda sare sannadkii 2018-kii.

Talaabadaas ayaa waxaa loo arkayay mid caddaynaysa ajandaha isbedel doonka ah ee Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed markii uu xilka la wareegay isla sanadkaas.

Dabayaaqadii 1980-meeyadii iyo horraantii 1990-aadkii waxay garsoore ka ahayd maxkamadda sare ee Itoobiya. Ka dib, waxay aasaastay ururka qareenada haweenka ee Itoobiya si ay u caawiyaan haweenka u baahan talada sharciga.

Mid ka mid ah kiisaska ugu caansan ee ay ku lug lahayd ayaa laga sameeyay filim, iyada oo xiddigta Hollywood-ka ee Angelina Jolie ay ahayd soo saaraha fulinta.

Waxaa lagu bedelay madaxweynaha Maxkamadda Sare Tewodros Mihret, oo ah aqoonyahan ku xeeldheer dhanka sharciga, kaas oo magacaabistiisa uu ansixiyay Aqalka Hoose ee baarlamaanka ee maanta oo Talaadada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM