Madaxwayne hore oo wajahaya xukun cimrigaa haku furto ah

Image
Axmed Cabdallah Sambi oo 64-sano jir ah ayaa loo haystaa dacwado waaweyn oo caddeymo loo hayo.

NAIROBI, Kenya - Dacwad-oogayaasha dowladda Comoros ayaa ka codsaday maxkamad in xabsi daa’in lagu xukumo madaxweynihii hore ee dalkaasi Axmed Cabdallah Sambi oo lagu eedeeyay khiyaano qaran, sidda ay warisay warbaahinta gudaha.

Sambi, oo 64 jir ah, waxa uu madaxweyne ahaa intii u dhaxaysay 2006 iyo 2011, waxana uu xidhnaa tan iyo 2018 isaga oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Waxa uu wajahayaa eedeymo la xiriira in Baasaboorka dalka uu ka iibiyay dadka aan waddanka u dhan kuwaasoo la sheegay in ay ku noolaayeen wadamada Khaliijka.

Falalkan ayuu geystay isaga oo maqane ah kadib markii uu diiday inuu ka soo muuqdo maxkamada, sida uu sheegay website-ka kasoo baxa Comoros ee lagu magacaabo Infos kaasoo gaar loo leeyahay

Waxaa loo qorsheeyay in la xukumo 28 November. Kiiskan wuxuu kamid yahay kuwa sidda weyn isha loogu hayo qaaradda Afrika oo kamid ah meelaha sida ba'an uu u sameeyay musuqmaasuqa iyo xatooyada.

Sambi ayaa markii hore lagu riday xabsi guri kadib markii uu khalkhal geliyay xasiloonida dadweynaha, sidda ay sheegtay maxkamadda ku riday xukunka.

Saddex bilood ka dib waxa loo taxaabay xabsi ka hor inta aan lagu soo oogin dacwadda uu haatan wajahayo. Kadibna waxaa lagu soo oogay dacwad khiyaano qaran ah.

Jasiiradaha Comoros -- Anjouan, Grande Comore iyo Moheli -- waxay soo mareen sanado badan oo faqri ah iyo qalalaase siyaasadeed, oo ay ku jiraan ilaa 20 afgambi ama isku day afgambi, tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Faransiiska sanadkii 1975-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM