Madaxwayne lagu eedeeyay 'in uu xaday' muuqaal uu leeyahay fanaan

Image
Heesaaga ayaa weeraray hogaamiyaha dalkan kadib markii fiidiyowga lagu baahiyey Twitter-ka.

ACCRA, Ghana - Madaxweynaha Ghana, Nana Akufo-Addo, ayaa lagu eedeeyay in uu u adeegsaday shaqo uu qabtey fannaan fasax la'aan iyo ammaan la'aan si uu ugu buun-buuniyo dalxiiska dalkaas.

Fanaanka reer Ghana Kirani Ayat ayaa sheegay in uu la xidhiidhay dawladda si uu taageero u raadiyo muqaalkiisa ku jira heesta Guda, balse waa laga diiday.

Fiidiyowga waxaa lagu duubay waqooyiga Ghana wuxuuna muujinayaa muuqaalo qurux badan iyo dhaqanka deegaanka.

Talaadadii, Ayat ayaa weeraray madaxweynaha ka dib markii uu la wadaagay muuqaal xayaysiin ah:

"Madaxweynaha Ghana wuxuu isticmaalay  fiidiyowgayga 'Guda' ogeysiiskan si uu u dhiirrigeliyo dalxiiska Ghana," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan si firfircoon ula xiriiri jiray Wasaaradda Dalxiiska 2018/19 si aan u isticmaalo muuqaalkan si kor loogu qaado dalxiiska waqooyiga, jawaabna kamaanu helin," ayuu qoray.

Muuqaalka ayaa madaxweynuhu ku faafiyey bartiisa Twitter-ka waxaana uu kusoo beegay iyadda oo loo dabaaldagayo maalinta caalamiga ah ee dalxiiska. Ghana waxay ku jirtaa wadamada aadka ugu fiican dalxiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM