Madaxwayne William Ruto oo xayiraada ka qaadey jarista dhirta

Image
Mamnuucistan lasoo rogay sanadkii 2018-kii ayuu ku tilmaamay "nacasnimo".

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa qaaday xayiraadii saarneyd jarista dhirta ee uu soo rogay lix sano ka hor, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah.

Ruto ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid soo daahday, isagoo u sababeeyay baahida loo qabo in la abuuro shaqooyin, lana furo qeybaha dhaqaalaha ee ku tiirsan wax soo saarka kaymaha.

Walaaca laga qabo saameynta ay ku leedahay jarista deegaanka iyo isbedelka cimilada ayaa sababay mamnuucista sanadkii 2018-ka, waxaana aad usoo dhaweeyay dadka u dooda degaanka.

Balse isaga oo Axaddii ka hadlayay magaalada Molo ee gobolka Rift Valley, Mr Ruto ayaa waxa uu difaacay xayiraadda laga qaaday, isagoo sheegay in joojinta jarista ay ahayd “doqonnimo”.

"Geeduhu waxay ku daalayaan kaynta dhexdeeda iyadoo dadku ay u halgamayaan sidii ay u heli lahaayeen alwaax, miyaad aragtaa nacasnimada?" ayuu is-weydiiyey.

Wuxuu sheegay in dowladdu ay canshuur ku soo rogtay cid kasta oo soo dejisa alwaaxyada iyo alaabta guriga miisaaniyadii ugu dambeysay “maxaa yeelay waxaan rabnaa in waxaas oo dhan ay sameeyaan shacabka Kenya”.

Mamnuucida jarista dhirta ayaa saameyn ku yeelatay deegaanada qaar oo dad badan ay ku tiirsanaayeen jarista dhirta oo ah halka ay noloshoodu ku tiirsan tahay.

Qaadista xayiraadda ayaa timid iyadoo dowladda William Ruto ay waddo qorshe ay ku beerayso 15 bilyan oo geed muddo 10 sano ah si kor loogu qaado geedaha Kenya loona ilaaliyo degaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM