Madaxwaynihii hore South Africa oo sabab caafimaad u aadey Russia

Image
Zuma ayaa waxa uu sidoo kale oo uu wajahayaa dacwad la xiriirta musuq-maasuq dhacay dabayaaqadii 1990-meeyadii.

CAPE TOWN, South Africa - Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa u safray dalka Ruushka todobaadkii hore arrimo caafimaad awgood, sidda uu sheegay xafiiskiisa warfaafinta.

"Wuxuu dalka ku soo laaban doonaa marka ay dhakhaatiirtiisu dhammeeyaan daawaynta," ayaa lagu yiri bayaan gaar ah oo lala wadaagay saxaafadda maxaliga ah.

Shaacintan ayaa timid maalin kadib markii maxkamada dastuuriga ah ay taageertay go’aankii ahaa in Zuma si sharci darro ah loogu sii daayey sababo cafimaad bishii Sebtembar 2021.

Hogaamiyahan ayaa waxaa xabsiga laga sii daayay ka dib markii uu dhameystay wax ka yar sideed toddobaad oo qeyb ka ahayd xukunka ku dhacay oo ahaa 15 bilood xabsi ah.

Zuma, oo hadda da'diisu tahay 81 jir, ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu ka qaybgeli waayay baaritaan lagu sameeyay musuqmaasuqa intii uu madaxweynaha ahaa.

Siyaasigan ayaa lagu qasbay inuu is casilo sababo la xiriira eedeymaha loo soo jeediyay sanadkii 2018 ka dib sagaal sano oo uu xafiiska joogay - laakiin wuxuu si isdaba joog ah u adkeeyay inuu dhibane u yahay shirqool siyaasadeed.

Zuma ayaa waxa uu sidoo kale oo uu wajahayaa dacwad la xiriirta musuq-maasuq iyo wax-is-daba-marin gaar ah oo la sheegay in lagu sameeyay heshiis hub ah oo dhacay dabayaaqadii 1990-meeyadii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya Oo Ku Baaqday In Midowga Yurub Mudnaanta Siiyo La-dagaallanka Al-Shabaab

Kenya ayaa si xooggan u dalbanaysa in Midowga Yurub uu dib u eegis ku sameeyo istaraatiijiyaddiisa.

  • Afrika

    22-09-2025

  • 02:18PM

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM