Madaxwaynihii Namibia oo u geeriyoodey cudurka kansarka

Image
Hage Geingob oo 82-jir ahaa ayaa xanuunkan waxaa si rasmi ah looga helay bishii hore.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynihii dalka Namibia, Hage Geingob, ayaa geeriyooday xilli lagu daweynayay isbitaal ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Windhoek, sidda ay warisay warbaahinta maxaliga ah.

Madaxweyne ku xigeenka dalka, Nangolo Mbumba oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in Mr Geingob uu dhintay saacadihii hore ee maanta oo Axadda.

"Markii neeftii ugu dambeysay uu neef-sanayay, garabkiisa waxaa joogtay xaaskiisa qaaliga ah Madame Monica Geingos iyo caruurtiisa," ayuu Mr Mbumba ku yiri warka qoraalka ah.

Hogaamiyaha 82-jirka ahaa ayaa todobaadkii hore waxaa laga helay cudurka kansarka, waxaana uu shaaca ka qaaday in cudurka laga helay dadweynaha bishii hore.

Xafiiskiisa warfaafinta oo bayaan kooban faafiyay ayaa wuxuu ku dhawaaqay inuu u safri doono Mareykanka si uu u dabiibo, laakiin uu ku laaban doono Namibia 2-da Febraayo.

Mr Geingob ayaa waxa uu qabtay xilka madaxweyne ee waddankaas sanadka markii uu ahaa 2015-kii, waxaana uu xilka hayay muddo xileedkii labaad oo ugu dambeysay.

Sanadkii hore ayuu galay qalliin halbowle ah. 2014-kii ayuu ka badbaaday kansarka qanjirka. Namibia ayaa lagu waday in ay ka qabsoonto doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka bisha November.

Related Articles

Shiinaha iyo Jabuuti oo taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kana soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

Somaliland ayaa sannadkii 1991 ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya, tan iyo xilligaasna waxay yeelatay hay'ado siyaasadeed.

  • Afrika

    24-10-2026

  • 05:45AM

Kenya oo xaqiijisay dhimashadii labaad ee Ebola, tirada dadka uu ku dhacay oo gaartay sagaal

Waxay halkaas ku heshay daryeel caafimaad, balse xaaladdeeda ayaa ugu dambeyn sababtay dhimashadeeda fiidkii Jimcihii.

  • Afrika

    24-10-2026

  • 05:39AM