Madaxweynaha Eritrea oo booqasho naadir ah ku tahay Shiinaha

Image
Isaias Afwerki ayaa Beijing kula kulmay dhigiisa Shiinaha Xi Jinping iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Li Qiang.

ASMARA, Eritrea - Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki oo booqasho naadir ah ku tagay China, ayaa Beijing kula kulmay dhigiisa Shiinaha Xi Jinping iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Li Qiang.

Mr Isaias ayaa ubax dhigay Taallada Halyeyyada Dadka ee fagaaraha Tiananmen, taasoo lagu xasuusto dhammaan dadkii ku dhintay halgankii lagu dhisay Shiinaha casriga ah.

Sannadkii 1989-kii, Tiananmen Square ayaa waxa ay noqotay goob diiradda lagu saaro mudaaharaadyo waaweyn oo lagu doonayay xorriyad siyaasadeed oo weyn.

Mudaaharaadyada ayaa waxaa jebiyey maamulka Shiinaha, waxaana talaabadaas ka dhashay iska-hor-imaad dhexmaray ciidamadda iyo banaanbaxayaasha taasoo horseeday waxyeelo.

Mr Isaias oo hadal-jeedin kooban sameeyay ayaa si kal iyo laab ah ammaanay waxa uu ugu yeeray wax ku biirinta Shiinaha ee wax ka bedelka nidaamka adduunka.

Eritrea oo go'doon siyaasadeed ku jitay sanadihii lasoo dhaafay ayaa reer galbeedka waxay u arkaan mid ka mid ah dowladaha adduunka ee dadkooda u geysta dulmiga badan.

Dhaleeceynta ugu badan ee reer galbeedka u jeediyaan maamulka Isaias ayaa la xiriirta xaaladeeda xuquuqul insaanka, laakiin juquraafi ahaan waxay muhiim u tahay Shiinaha.

Shiinaha ayaa saldhig millatari ku leh waddanka ay Eritrea jaarka yihiin ee Jabuuti, wuxuuna doonayaa inuu kordhiyo saameynta uu ku leeyahay guud ahaan gobolka jilicsan ee Geeska qaaradda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya Oo Ku Baaqday In Midowga Yurub Mudnaanta Siiyo La-dagaallanka Al-Shabaab

Kenya ayaa si xooggan u dalbanaysa in Midowga Yurub uu dib u eegis ku sameeyo istaraatiijiyaddiisa.

  • Afrika

    22-09-2025

  • 02:18PM

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM