Madaxweynaha Ghana oo karantiil galaya cabsi Coronavirus awadeed

Image

ACCRA, Ghana – Madaxweynaha Ghana, Nana Akufo-Addo, ayaa galaya karantiil 14 maalmood ah isagoo raacaya talooyinka dhakhaatiirta markii shaqsi ku dhow laga helay Covid-19, sidda ay baahisay wararka Reuters.

Wakaaladda wararka oo soo xigatay war-saxaafadeed dowladeed ayaanan soo bandhigay fahfaahinta shaqsiga qaadey cudurkaas.

"Illaa iyo haatan madaxweynuhu waa ka badqabaa. Balse wuxuu doortay in uu raaco talooyinka dhakhaatiirta," ayaa lagu yiri bayaanka, oo lagu caddeeyay hogaamiyaha uu shaqadiisa sii wadan doono.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa daabacday in ruuxa ku dhow madaxweynaha ee uu soo ritay xanuunka uu ka tirsan Madaxtooyadda.

Hogaamiyeyaal badan ayaa is-godoomiyey markii shaqsiyaad ku dhow uu haleelay fayruskaan asal ahaan kasoo bilowday Shiinaha.

Ghana ayaa diiwaan-gelisay 19,388 kiisas ah, iyo 117 dhimasho. Dalkaan waa mid kamid ah wadamada ka hooseeya saxaraha Afrika ee laga soo wariyey xaaladaha ugu badan ee caabuqa aadka u halista badan.

Is-karantiilka Nana Akufo-Addo ayaa kusoo hagaageysa maalmo kadib markii wasiir ku xigeenka ganacsiga, Carlos Kingsley Ahenkorah, uu isku casilay in uu ku xadgudubay is-godoominta markii laga helay Covid-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM