Madaxweynaha gobolka Amxaarada ee Itoobiya oo shaqada ka tegay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ismaamulka Amxaarada waddanka Itoobiya ayaa Axadda maanta ah wuxuu yeeshay madaxweyne cusub markii sababo aan la shaacin uu isu-casilay hogaamiyihii hore ee gobolkaas, Temesgen Tiruneh.

Sidda ay ku warantay Ethiopian Broadcasting Corporation [EBC], siyaasi Tiruneh ayaa istiqaaladiisa wuxuu u gudbiyey Golaha Degaanka kuwaasoo fadhi ay maanta yeesheen ku ogolaadey "go'aankaas lama filaanka ah".

Fadhiga oo kamid ahaa kulamada caadiga ah ee Golaha ayaa ka qabsoomay Bahir Dar halkaasoo ay ku dhaariyeen madaxweynaha cusub.

Agegnehu Teshager ayaa, sidda ku xusan warbixinta ay baahisay EBC, waxaa loo caleema saarey hogaamiyaha bedeli doono Temesgen Tiruneh.

Bishii Julaayo 25-keeda sanadkii hore 2019, xisbiga hogaamiya gobolka Amxaarada ayaa Tiruneh u doortay madaxweyne si uu u bedelo Ambachew Mekonnen kaasoo June lagu dilay isku day afgembi fashilmay.

Tiruneh oo soo noqdey lataliyaha arrimaha ammaanka qaranka ee Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaan la ogeyn shaqada xigta ee uu qabanayo.

Isbedelkan ayaa kusoo hagaagaya xilli waqoyga Itoobiya ay ka aloolsan tahay colaad u dhaxeysa ismaamulka Tigreeyga iyo maamulka Abiy kuwaasoo xiisad siyaasadeed oo ka dhaxeysay ay isku rogtay isku-dhac uu dhiig ku qubanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM