Madaxweynaha Kenya oo booqasho uga bilaabatay Eritrea

Image
Image
Isaias Afwerki iyo William Ruto ayaa la filayaa in ay kawada hadlaan xiriirka labada dal iyo horumarka gobolka.

ASMARA, Eritrea - Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa shalay galab oo ay taariikhdu tahay 9-ka December waxa uu booqasho rasmi ah ku tagaya magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Eritrea, socdaalkan ayaa waxa uu ka dhashay kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweyne Isaias Afwerki.

Ruto iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara waxaa "si heer sare ah loogu soo dhoweeyay madaxweyne Isaias Afwerki".

Wafdiga sare ee Jamhuuriyadda Kenya ayaa ka kooban wasiirka difaaca, Aden Bare Ducaale, Xoghayaha Golaha Wasiirada, Joseph Koli Nanok, ku xigeenka madaxa shaqaalaha iyo sidoo kale saraakiil sare oo ka tirsan dowladda iyo xubno ka tirsan baarlamaanka.

Xafladda soo dhaweynta ah ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Eritrea iyo sidoo kale Beyene Russom oo ah Safiirka Eritrea u fadhiya Kenya.

"Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Madaxweyne William Ruto ayaa yeelan doona wadahadalo diiradda lagu saarayo xiriirka labada dal iyo sidoo kale horumarka gobolka," ayay wasaaradda raacisay.

Kenya iyo Eritrea ayaa kamid ah wadamada saameynta ku leh ammaanka Soomaaliya ah. Nairobi waxaa ciidamo ay ka joogaan Muqdisho, halka Asmara ay tabaabrtey ciidamo Soomaali ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM