Madaxweynaha Kenya oo "furaya" xadka dhulka Soomaaliya

Image
Xudduudan ayaa xirnayd muddo aad u dheer, waxayna cabaqad weyn ku noqotay isu socodka dadka iyo ganacsiga.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa la sheegay in uu ka fikirayo sidii uu u furi lahaa xudduuda dhulka ee ka dhaxaysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Xudduudan ayaa xirnayd muddo aad u dheer, waxayna cabaqad weyn ku noqotay isu socodka dadka iyo ganacsiga labada dhinac gaar ahaan bulshooyinka daga xadka.

Xeeldheerayaal dhanka amniga ah oo sanadkan gudihiisa shir ku yeeshay Nairobi ayaa soo jeediyay talo ah in amniga dowladda Kenya ay wax ka tarayso haddii si sharci ah loo furo xuduudda.

Sidoo kale, waxay xuseen ahmiyada ay leedahay in la ogaado waxa soo galaya iyo waxa baxaya, halka hadda badeecooyinka sharci darada ah ay kobciyeen kooxaha duurka ku jira ee amniga waxyeeleynaya.

Sidoo kale, heshiis dhexmaray Ruto iyo Xasan Sheekh oo ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee Bahwadaagta Bariga Afrika ayaa waxa uu ahaa in la furo xuduudda dhulka.

Dhanka kale, sabab kale oo keeneysa in la furo xuduudda ayaa ah in ay aad usoo hagaagtay xaaladdii amniga ee xudduuda labada dal wallow mararka qaar ay ka dhacayaan dambiyo.

Kenya ayaa kamid ah dowladaha ciidamadda ku taageeray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS kaasoo sanadihii ugu dambeeyay ka shaqeynayay bixitaankooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM