Madaxweynaha Madagascar oo ka badbaadey isku day dil

Image
Andry Rajoelina ayaa xafiiska jooga tan iyo sanadkii 2019 waqtigaas oo uu ku adkaadey doorasho lagu murmay. [Photo: MSH]

ANTANANARIVO, Madagascar - Madaxweynaha Madagascar, Andry Rajoelina, ayaa ka badbaadey isku-day dil, sida ay wakaaladda wararka AFP kasoo xigtay dacwad-oogeyaasha dalkan jasiirada ah ee ku yaala Badweynta Hindiya, qiyaastii 400 kiiloomitirna  u jira xeebta Bariga Afrika.

Xeer ilaaliyaha guud, Berthine Razafiarivony, ayaa sheegay Khamiista maanta ah in shaqsiyaad isugu jira ajaaniib iyo dadyow kale loo qabtay Talaadadii. Xarigan wuxuu qeyb ka yahay baaritaanka "weerar la doonayey in lagu khaarijiyo Rajoelina". 

Razafiarivony, oo la hadlaya wariyeyaasha, ayaa sidoo kale tibaaxay in qorshaha la fashiliyey ay qeyb ka ah dilka shaqsiyaad haya xilal siyaasadeed isla markaana kaliya uusan ku koobneyn madaxweynaha.

Ma jirto shaacin rasmi ah oo ku saabsan dhalashada tuhmanayaasha ajnabiga ah. Baaxadda uu qorshuhu lahaa, ama illaa heerka uu gaarsiisan yahay, ayaanan si dhakhso ah loo caddayn.

Intii lagu guda jiray dabaaldegii maalinta xorriyadda dalka ee 26-kii Juun, Madagascar ayaa si lamid ah shaacisay inay fashilisay isku day dil oo lagu doonayay in lagu khaarijiyo General Richard Ravalomanana, oo sidoo kale ah gacanta midig ee Rajoelina.

Rajoelina waxaa loo dhaariyay madaxtinimada jasiiradda Badweynta Hindiya sanadkii 2019 kadib doorasho adag oo ay hareeyeen eedeymo musuqmaasuq iyaddoo maxkamad dastuuri ah ay laashay sheegashooyinkaas oo ka yimid mucaaradka.

44-jirkan ayaa markii ugu horeysay xukunka la wareegay bishii Maarso ee sanadkii 2009-kii isagoo taageero ka helaya militariga wuxuuna noqdey madaxweynaha dowlad kumeel gaar ah ilaa 2014.

Qaranka uu soo gumeystay Faransiiska ayaa leh taariikh aad u qoto dheer oo ku saabsan inqilaabyo iyo qalalaase tan iyo markii uu xornimada ka qaatay France sanadkii 1960.

Jasiiradda ayaa caalamka looga garan-og-yahay duurjoogta iyo dalxiiska gaarka u ah ah laakiin waxay aad ugu tiirsan tahay kaalmada shisheeye. 10-kii qof sagaal ayaa ku nool wax kayar $2 maalintii. Covid-19 ayaa si daran u kala xiray dalka, koonfurtana waxaa la jirta macquul aad u xooggan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda Itoobiya iyo Masar oo markale cirka isku shareeray sababo la xiriira webiga Nile

Hadalladan ayaa yimid iyadoo Itoobiya ay dhisayso biyo-xireenka weyn ee Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), oo ku yaalla wabiga Nile.

  • Afrika

    13-08-2025

  • 09:33AM

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Mali oo Xabsi la dhigay iyadoo milateriga xukunka la wareegay

Mali waxaa tan iyo 2020 xukuma talis milatari oo xoog ku qabsaday talada, iyadoo 2021 ay mar kale afgambi sameeyeen.

  • Afrika

    13-08-2025

  • 09:06AM