Madaxweynaha ugu da'da weyn Afrika oo xusay cimriga xukunkiisa

Image
Hadal-jeedintiisa munaasabadda, Paul Biya ayaan soo hadal-qaadin haddii uu xilka ka dagayo.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha ugu da'da weyn qaarada Afrika, ahna mid ka mid ah madaxda ugu xukunka dheer Qaaradda Afrika - Paul Biya - ayaa u dabaaldagay 40-sano oo uu hayey xilka ugu sareeya Cameroon dhamaadka todobaadkan.

Guud ahaan dalka oo dhan ayaa la qorsheeyay in la qabto munaasabaddo lagu xusayo sanad-guuradan, waxaana taageerayaashiisa ay ku faraxsan yihiin waxqabadkiisa.

Balse 89-jirkan mucaaradkiisa ayaa aad uga soo horjeeda in uu xukunka baaqi kusii ahaado, iyagoo ugu baaqaya inuu xilka ka dago oo uu ku wareejiyo jiilka soo koraya.

Muddadii dheeraa ee Mr Biya waxaa lagu sifeeyay maamulkiisa uu ku guuleystay riyooyin waaweyn laakiin sidoo kale waxaa ku dhacay guul darrooyin la taaban karo.

"Musuqmaasuqa abaabulan ayaa hareeyay siyaasadda Cameroon," ayuu yidhi madaxii hore ee Transparency International ahaana musharaxii hore ee madaxweynenimada Akere Muna.

Wuxuu raaciyey: "Marka la eego soo saarista macdanta, waa ayo kuwa macdan qodayaasha ah? Maxay soo saaraan? Maxay dalka ku bixiyaan? Maxay muwaadiniintu u heli waayeen macluumaadka ku saabsan kharashaadka hantida dalkooda?".

Dawladda ayaa waxay sidoo kale dagaal qaraar kula jirtaa gooni u goosadka Anglophone ee labada gobol ee lagaga hadlo Ingiriiska taas oo ku qasabtay ilaa laba milyan oo reer Cameroon ah inay guryahooda ka baxaan iyo geerida tobanaan shacab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM