Madaxweyne damaciisa siyaasadeed ku xiray shuruud naadir ah

Image

YAMOUSSOUKRO, Ivory Coast – Madaxweynaha Ivory Coast, Alassane Ouattara, ayaa sheegay in uu markii saddexaad isu soo taagi doono doorashadda hadii "dad cayiman oo jiilkiisa kamid ah" ay aqbalaan.

"Waan doonayaa in jiilkeyga ay fahmaan in waqtigeenu sarre u sii socdo, waxaana dhinac iska dhigi doonaa arimaha oo idil. Balse hadii ay iyagu go'aan sadaan in aan isaga soo sharaxo, waan isa soo taagi doonaa".

Dalka ugu badan ee soo saara cocoa laga adeegsado aduunka ayaa waxaa kusoo fool leh doorasho aad isha loogu hayo.

Doorashadda ayaa ka dambeysay markii xisbiga talada haya ee Ouattara uu ka baxay ishabeysigii ugu waynaa ee siyaasadda.

Guddiga fulinta ayaa ka doodaya murashaxooda doorashadda soo aadan ee qabsoomeysa sanadka dambe ee 2020-ka.

Ouattara, oo 77-sano jir ah, ayaa waxay u badan tahay in uu awooda iska wareejiyo maadaama taageereyaashiisa hoos u dhaceen.

Ra'iisul Wasaare Amadou Gon Coulibaly ayaa ayaa waxaa loo arkaa murashaxa in uu meesha ka saaro Ouattara oo qudhiisa cabsida ugu xoogan ay kaga imaaneyso Coulibaly oo taageereyaal baaxad wayn ku leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM