Madaxweyne xigeenka Kenya: Waxaan u nimid qasbado maran

Image
Rigathi iyo Ruto ayaa sameeyay balanqaadyo waaweyn oo qaarkood looga fadhiyo in ay fuliyaan 100-ka maalmood ee ugu horeeya.

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Kenya Rigathi Gachagua ayaa sheegay in qasnadaha dowladda ay maranyihiin, islamarkaasna ay dadka Kenya tahay in ay dulqaataan inta xal loo helayo. 

Wuxuu sheegay in maamulkii hore ee Uhuru Kenyatta uu faaruqiyay kaydkii dowladda, haddana xaalada ay maraysa meel halis ah oo haddii aanan la qaadin talaabooyin degdeg ah ay adagtahay in xal laga gaaro. 

Wareysi uu siiyay idaacad la iska arko ayuu ku sheegay in markii hore ee ololaha ay ku jireen aysan ogeyn sida xaaladda tahay, balse hadda ay ogaadeen xaaladda murugsan ee uu dalka marayo dhaqaale ahaan. 

Rigathi iyo Ruto ayaa sameeyay balanqaadyo waaweyn oo qaarkood looga fadhiyo in ay fuliyaan 100-ka maalmood ee ugu horeeya, balse waxa ay hadda u egtabay in ay kasii afeefanayaan. 

Waxyaabaha ballan-qaadka ku jirey waxaa ka mid ahaa in la xakameeyo sicir-bararka, kana sameeyo sanduuq loogu talogalay danyarta iyo ganacsatada yaryar.  Wuxuu sidoo kale balanqaaday in la sameynayo mashaariic waaweyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM