Madaxweynihii Burundi oo la shaaciyey in uu "u dhintay" Covid19

Image

BUJUMBURA, Burundi – Madaxweynihii dalka Burundi, Pierre Nkurunziza, ayaa u geeriyooday safmarka Coronavirus, sidda uu wargeyska The Star kasoo xigtay illo wareedyo diblumaasiyadeed, wallow uusan carabaabin.

Sidda ku xusan warbixinta, Nkurunziza oo kamid ahaa hogaamiyeyaasha caalamka ee diidmadda adag kala hortagay jiritaanka halista Covid-19 ayaa kaliya laba habeen jiifay Isbitaalka markii xaaladiisa kasii dartay.

"Xilli habeen ah ayuu xanuunku kusoo boodey, balse aroortii dambe wuxuu u muuqdey soo fiicnaanaya, hase ahaatee way kasii dartay maalintii kale," ayuu jaraa'idka kasoo baxa Kenya uu ku waramay.

Lama ogga hadii mas'uuliyiinta waddankaas ay baaritaan marsiiyeen isla markaana la xaqiijiyey in uu soo ritay cudurkaas.

"Wuxuu qabay Coronavirus balse cidna ma aysan ogeyn sababtoo ah wuxuu ahaa mid kamid ah hogaamiyeyaasha dhayelsadey halista," ayay yiraahdeen diblumaasiyiinta oo badankooda ah reer Galbeed.

Akhbaartaan ayaa soo ifbaxeysa xilli xaaskiisa Denise la xaqiijiyey in ay ka caafimaadey Covid-19, 11 maalmood kahor. Isbitaal ku yaala Nairobi ayaa lagu daaweeyay. Kadib warka geeriga ayayna dib u laabatay.

"Markii xaaladda Pierre Nkurunziza kasii dartay waxaa soo baxay jahwareer iyo is-qabqabsi ku aadan in loo qaado Nairobi ama Dar es Salaam oo Tanzania ah si loo daaweeyo. Balse ma jirin go'aan la qaatay, taasna waxay sababtay in uu dhinto," ayuu joornaalka wariyey.

Nkurunziza oo Burundi ay sheegtay in uu u dhintay wadna xanuun ayaa lagu waramay in isbitaal loo cararay waxyar kadib markii uu kasoo laabtay ciyaarta volleyball oo kamid ah waxyaabaha uu xiiseeyo fasaxa.

Hogaamiyahaan ku dhintay da'da 55-sano jirka oo soo ahaa ciyaaryahan kubada cagta ah ayaa lagu wadday in uu xilka iska wareejiyo markii looga adkaaday doorashooyinkii u dambeeyay.

Sikastaba, Burundi oo kamid ah wadamadda ciidamadda ku tabarucay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa laga xaqiijiyey 85 kiisas, 45 dhimasho ah iyo hal geeri ah, wallow shaki laga muujiyey tirooyinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM