Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Gabon oo loo fasaxay in uu dibadda u safro

Image

LIBREVILLE, Gabon - Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Gabon, General Brice Olegé Nguema, ayaa ku dhawaaqay in madaxweynihii xilka laga tuuray ee Cali Bongo Ondimba uu xor u yahay inuu dhaqaaqo iyo in uu u safri dalka dibaddiisa haddii uu doono.

Bongo ayaa xabsi guri ku jiray tan iyo markii ay ciidamadu afgambi aan dhiig ku daadan ku afgambiyeen 30-kii Agoosto kadib markii uu xukunka hayay muddo 14 sano ah.

Colonel Ulrich Manfumbi ayaa telefishinka qaranka ka akhriyay bayaan uu ku saxeexan yahay General Olighi, oo hogaaminayay afgambiga, waxaana Isniintii loo dhaariyay inuu yahay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi.

War saxaafadeedka ayaa lagu yiri, "Marka la eego xaaladdiisa caafimaad, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda, Ali Bongo Ondimba, kama qaadi doonno xorriyadda dhaqdhaqaaqa, waxaa laga yaabaa, haddii uu rabo, inuu u dhoofo dibadda si uu u soo maro baaritaankiisa caafimaad."

Bongo waxaa ku dhacay istaroog bishii Oktoobar 2018, kaasoo ka dhigay inuu jir ahaan naafoobo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM