Magacyada sagaal shaqsi oo 'maalgelisa' Al-Shabaab oo la faafiyey

Image

NAIROBI, Kenya – Wasaaradda arrimaha gudaha dalka Kenya ayaa Arbacada maanta ah waxay shaacisay magacyadda sagaal ruux oo ay la xiriirisay in ay maalgeliyaan howlaha argagaxisanimo ee maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Shaqsiyaadka ayaa waxaa lagu kala sheegay; Xaliima Aadan Cali, Waliid Aadan Zeyn, Sheekh Guyo Gorsa Boru, Maxamed Cabdi Cali [Abuu Fidaa], Nuseiba Maxamed Xaaji, Abdimaajid Aadan Xasan, Maxamed Cali Cabdi, Mukhtaar Ibraahim Cali iyo Mire Cabdullaahi Cilmi.

Warbixinta ay baahisay wasaaradda ayaa waxaa qayb ka ahaa aqoonsiyadda sagaalka ruux iyo lamberadooda Baasabooradda.

Fred Matiang'i, wasiirka arrimaha gudaha, ayaa tilmaamay in aysan durba baahin doono macluumaadka buuxa ee xubnahaan.

"Qaabka kaliya ee loo beenin karo argagixisada macnaheedu yahay in ay nolosheena halis geliso waa in laga hortago fududeynta shabakadooda; sababta aan u baahineyno liiskaan waa in ay ku waano qaataan dadka kale oo aan la arkin cid kale oo maalgelineysa," ayuu tibaaxay.

Dr Matiang’i ayaa carabka ku adkeeyay in talaabadan ay ku cadahay xeerka la dagaalanka argagixisada Kenya ee soo baxay 2013-kii, wuxuuna ku nuux-nuux saday in dowladiisu burburineyso shabakada.

"Istaraatiijiyadeena cusub ee la dhanka ah argagixisada waxay diiradda saareysaa in aan diiwaanka ku darno dambiileyaasha, maalgeliyeyaasha iyo cid kasta oo mas'uul ka ah fududeynta ficilada ka hor-imaanaya shuruucda qarankeena iyo kuwa caalamiga ah," ayuu tibaaxay.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu tacsi u diray ehelada iyo askarta qoysaskooda kaga dhigteen weeraradda xoogaga Al-Shabaab.

Shaacintaan ayaa imaaneysa iyaddoo Kenya ay bishaan xusi doonto todoba-sano guuradii kasoo wareegatay weerarkii Al-Shabaab saacaaha badan ku qabsatay xarunta ganacsiga Westgate Mall, September 23-keeda, sanadkii 2013.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM