Mali: Askar Faransiis ah oo ku nafweyday qarax miino

Image

PARIS, France - Laba askari oo Faransiis ah ayaa lagu dilay Mali Sabtidii markii qarax loo adeegsaday (IED) uu haleelay gaarigooda, xafiiska madaxweynaha Emmanuel Macron ayaa sidaas yiri.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Faransiiska ayaa lagu sheegay in qaraxu ka dhacay goor dambe oo subaxnimadii Sabtida ahayd gobolka bariga Mali ku yaala ee Menaka.

"Yvonne Huynh iyo Loic Risser ayaa la beegsaday iyaga oo aagga kawada howlo sirdoon," ayaa lagu yiri bayaanka.

Askari seddexaad oo Faransiis ah ayaaa sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawacyo lagu qeexay "kuwa aan halis ku ahayn nafsadiisa".

Dhimashada Huynh iyo Risser waxay ka dhigeysaa 50 tirada askarta Faransiiska ee lagu diley wadanka dhaca galbeedka Africa tan iyo markii France uu faragalintiisa dalkaas bilaabay 2013 si uu gacan uga geysto jebinta kooxaha hubeysan ee ku xiran Al-qaacida.

Sidoo kale waa markii labaad ee askar Faransiis ah lagu dilo dalka Mali isbuucii la soo dhaafay.

Bishii Diseembar 29, seddex askari oo Faransiis ah ayaa dhintay ka dib markii gaari gaashaaman oo ay saarnaayeen la kacdey miinada IED aagga Hombori ee gobolka Mopti ee bartamaha Mali.

Maleyshiyadda gacansaarka la leh Al-Qaacida ee GSIM ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas kadib bayaan ay soo saartay shalay oo Sabti ahayd kuna faafisay barnaamijkeeda dacaayadaha ee Al-Zallaqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM