Mali: Madaxii xuquuqul insaanka ee hawlgalka UN-ka oo la eryay

Image
Guillaume Ngefa-Atondoko ayaa loo qabtey muddo 48-saac ah in uu dalkaas uga baxo.

NAIROBI, Kenya - Dowladda ku meel gaarka ah ee Mali ayaa Axadii sheegtay in madaxa howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee qeybta xuquuqul insaanka uu haysto 48 saacadood in uu uga baxo dalkaasi.

War qoraal ah oo ay soo saartay ayay ku sheegtay in go’aanka dalka lagaga eryay Guillaume Ngefa-Atondoko uu la xiriiro "eexasho lagu sameeyay warbixin laga hor akhriyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay".

Warbixintaas ayaa ku saabsaneyd xaaladda xuquuqda aadanaha. Faalladii ugu dambeeyay ayaa la dhiibtey 27-kii January. Kooxo bulsho rayid ah ayaa akhriyey warbixintaas.

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Mali oo magaciisa loosoo gaabiyo MINUSMA ayaan wali si degdeg ah uga jawaabin codsi faallo ah. Andali ayaa sidoo kale laga waayey wax falcelin ah.

Mas'uuliyiinta Mali ayaa la kulmay cadaadis ku saabsan xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo xadgudubyada la sheegay in ay geysteen ciidamada qalabka sida ee Mali oo kaashanaya qandaraaslaha gaarka ah ee Ruushka ee Wagner Group ee Mali.

31-kii Janaayo, khubarada Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo dembiyada dagaal iyo dembiyada ka dhanka ah bani’aadanimada ee ay geysan karaan labadan ciidan.

Dowladda Mali, oo xukunka kula wareegtay afgambi militari sannadkii 2021-kii, ayaa Sabtidii soo saartay bayaan ay gadaal ka riixeyso qaar ka mid ah eedeymaha Qaramada Midoobay.

Xukuumadda Bomao ayaa waxay ku nuuxnuuxsatay sida ay uga go'an tahay mas'uuliyiinta inay ixtiraamaan xuquuqda aadanaha si waafaqsan shuruucda caalamiga ah iyo kuwa qaranka kana dheeraadan wixii tacadi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM