Mareykanka iyo UK oo qaylo-dhaan kasoo saarey dagaalka Sudan

Image
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa hadalkan ka sheegay shirka dalalka G7.

NAIROBI, Kenya - Dowladaha Britain iyo Mareykanka ayaa ku baaqay "in si degdeg ah loo joojiyo" rabshadaha horaantii todobaadkan kasoo cusboonaadey gudaha waddanka Suudaan.

"Waa wax aad looga walaac khatarta kasoo yaareysa Suudaan iyo dhibaatada ay wajahayaan dadka rayidka ah," ayuu Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku yiri hadal uu soo saaray, isaga oo garab socda dhiggiisa Britain James Cleverly.

Blinken ayaa tibaaxay in dagaalka lagala hadlay xulafada Bariga Dhexe iyo Afrika ayna jirto "aragti aad u adag oo mideysan taasoo ku saabsan baahida loo qabo jeneraal si loo hubiyo ilaalinta rayidka".

Dhinaca kale, xoghaye Blinken oo ka hadlay shirka dalalka G7 ayaa dib u soo cusbooneysiiyey baaqiisa ku aaddan xabbad-joojin iyo in dib loogu laabto wada-xaajoodka dhinacyada isku haya Suudaan.

"Dadka ku sugan Suudaan waxay rabaan in millatari dib loogu celiyo xeryaha," ayuu yiri. "Waxay rabaan dimoqraadiyad. Waxay rabaan dowladda rayidka ay hogaamiso, Suudaan waxay u baahan tahay inay jidkaas ku soo noqoto".

Muhiimadda ugu weyn ee dhammaan dalalka gobolka ayaa ah in la hubiyo in dagaalka Suudaan uusan isu bedelin dagaal sokeeye oo dhamaystiran, sidda uu aaminsan yahay falanqeeye Ovigwe Egwegu.

"Waan ku dhownahay taas laakiin looma baahna runtii meeshaas. Waddamada xuduudka la wadaaga Suudaan waxay ogyihiin burburka dagaalka sokeeye uu horseedi doono arrimo ay ka mid yihiin tahriibka sharci darrada ah iyo qaxootiga ka soo qulqulaya Suudaan ee gala dalal markii horeba jilicsan," ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM