Mareykanka oo ciidamo gaar ah u diraya Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne Joe Biden ayaa wuxuu ku dhawaaqay in ciidamo Mareykan ah oo gaar ah loo dirayo dalka Kenya "si ay gacan uga geystaan ​​dadaallada gobolka ee ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab".

Warqad uu u qoray Koongaraska Mareykanka oo uu arkay wargeyska Sunday Nation ayuu Biden ku sheegay inuu ogolaaday in ciidamo gaar ah loo diro Kenya, kuwaasoo la filayo inay iskaashi kala sameeyaan militariga Kenya la dagaalanka Al-Shabaab. Tirada ciidamada lama sheegin.

Askarta Ameerikaanka ah ayaa la filayaa in ay sare u qaadaan heerka isku haleynta ammaanka Kenya oo sanadihii ugu dambeeyay la kulmeysay weeraro qasaaro badan dhaliyay isuguna jira qaraxyo iyo kuwa toos ah kana imaanayey maleyshiyadda Al-Shabaab oo gudaha waddankan ka sameystay fariisimo iyo shabakado abaabulan oo howlgalada fuliya.

Woqooyi Bari Kenya iyo qaybo ka mid ah gobolka Xeebta ee Lamu ayay ka dhaceen weerarada ugu badan ee Al-Shabaab, balse waxaa jira weeraro liddi ku ah nabad-gelyadda oo laga soo wariyey meelo ay kamid tahay magaala madaxda Nairobi tusaale ahaan; duulaankii xarunta loo tukaameysi tago ee Westgate Mall sanadkii 2013 iyo dhismaha DusitD2 ee 2019.

Al-Shabaab waxay si cad u shaacisay inay damacsan tahay inay fuliso weerarro ay ugu aargudayaan hawlgalada argagixiso la dirirka Kenya ee Soomaaliya, oo ay fuliso iyadoo qayb ka ah howlgalka midowga Afrika (AMISOM) lagana yaabo inay ku dhiirato ka dib markii Mareykanku ku dhawaaqay inuu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya sanadkii hore.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, yaa bishii Diseembar ee la soo dhaafay wuxuu amar ku bixiyay in laga soo saaro Soomaaliya qiyaastii 700 oo askari oo Mareykan ah ugu dambeyn 15-ka Janaayo.

Pentagon-ka ayaa waqtigaas sheegay in ciidamadda dib loogu celin doono qeybaha kale ee ka tirsan Bariga Afrika - oo ay u badan tahay Kenya iyo Jabuuti - ayna sii wadi doonaan fulinta waajibaadooda.

Maamulka cusub ee Biden, oo si cad u adkeeyay inuu u arko Kenya inay tahay "saaxiib u istiraatiiji ah" gulufka ka dhanka ah la dagaalanka argagixisada, ayaa u muuqda bilaabay inay ka laabto go'aanadii Mr Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM