Mareykanka oo cunaqabateyn saarey xeer-ilaaliyihii hore ee Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Mareykanka oo sarre u qaadey dedaalada uu ku wiiqayo wax is-dabamarinta Kenya ayaa soo saarey digniin wuxuuna mas'uul sarre oo dowladda ka tirsan ka mamnuucay socdaalka markii uu joojiyey viisahiisa.

Xeer-ilaaliyihii hore ee Kenya, Amos Wako, kaas oo hadda ah Senator-ka ismaamulka Busia, xaaskiisa Flora Ngaira iyo wiilkiisa Julius Wako, ayaa waxaa xayiraadda kusoo rogtay Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka.

Mike Pompeo, xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa wuxuu go’aankaan ku dhawaaqay Isniintii.

Wako, oo qareen ah kaasoo 20-sano ahaa xeer-ilaaliyaha tan iyo 1992-dii, ayaa siyaasadda kusoo biiray 2012-dii, waxaana markii ugu horeysay loo doortay Senatorka xisbiga mucaaradka ah ee Orange Democratic Movement.

Pompeo, oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa coksaday in Wako lagu helay musuqmaasuq "baahsan" oo uu ku kacay, sidaas wadeedna ay ku muteysteen go'aankaas liddiga ku ah isaga iyo qoyskiisa.

Cunaqabateynta ayaa nuxurkeedu yahay in aysan geli karin gudaha dalweynaha Mareykanka, sidda lagu caddeeyay bayaanka Michael Pompeo.

Wasiir Michael Pompeo ayaa talaabada ay qaadeen ku qeexay "mid xoogan" oo muujineysa in Mareykanka ku garab taagan yahay dalka dhaca Geeska Afrika dagaalka ka dhanka ah wax is-dabamarinta.

"Mareykanka wuxuu ku garab taagan yahay dadka Kenyaan-ka in la ciqaabo xubnaha musuqmaasuqa ka geysta gudaha dalkooda," ayuu raaciyey Pompeo, kaasoo war-saxaafadeedkiisa nuqul kamid ah uu helay GO.

Dhinaca kale, Wako oo ka falceliyay go'aanka xukuumadda Washington ayaa wuxuu sheegay in uu dhaliilayo isla markaana uusan u baahneyn waddanka Mareykanka.

Inta la og-yahay taariikhda Kenya, waa markii ugu horeysay in Mareykanka uu joojiyo dal ku galka mas'uul sarre. Go'aankaan wuxuu kusoo aadayaa xili uu meel sarre marayo dagaalka dowladda Uhuru Kenyatta kula jirto musuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM