Mareykanka oo fahfaahin kasoo saarey askari looga dilay Jabuuti

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka ayaa soo saarey fahfaahin kooban oo ku saabsan askari Ameerikaan ah oo looga dilay gudaha Jabuuti.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa magaca askarigaas ku sheegtay Walter Lewark, oo la tilmaamay in uu ahaa 26-sano jir.

Xerada Camp Lemonnier oo ah tan ugu weyn saldhigyadda ku yaala Jabuuti oo ay leeyihiin duwadaha caalamka ayuu ku dhintay.

Qoraalka wasaaradda ayaanan lagu shaacin sababta keentay geerida askariga oo la sheegay in lagu waddo baaritaano qoto dheer.

Balse waxaa la tibaaxay in aysan la xiriirin dagaal ama weerar lagu soo qaadey xerada oo aad loo ilaaliyo ammaankeeda.

Walter Lewark ayaa kasoo jeeda Mountainair, oo hoostagta New Mexico ee ismaamul goboleedka Lewark.

Caadiyan Mareykanka ayaa inta badan xaqiijiya askarta kaga dhimatay goobaha dagaalka kahor inta uusan soo saarin warbixin dhameystiran.

Geerida askariga ayaa kusoo aadeysa iyaddoo Mareykanka uu qorsheynayo in uu hoos u dhigo tiradda ciidamadda kaga sugan qaarada Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM