Mareykanka oo malaayiin Doolar ugu deeqay dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay bixin doonto sideed milyan oo Doolar si wax looga qabto Ayaxa ku habsaday dalalka bariga qaaradda Afrika.

Mike Pompeo, wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka, oo deeqdaas ku dhawaaqay Talaadadii, ayaa tibaaxay in lacagtaas ay si gaar ah ugu talagaleen Soomaaliya, Itooiya iyo Kenya.

"Mareykanka ayaa wuxuu 8 milyan ku taageerayaan howlgalada iska caabinta Ayaxa ee gobolka si gaar ah Itoobiya Kenya iyo Soomaaliya," ayuu Pompeo ka sheegay shir jaraa'id.

Hadalkaan ayuu ka dhawaajiyey xili uu booqdey Addis Ababa, caasimadda Itoobiya. Dhigiisa waddankaas Gedu Andargachew ayaa kulan saxaafadeedka ku wehliyey.

Pompeo ayaa kulan la qaatay ra'iisul wasaare Abiy Axmed, kaasoo ay kawada hadleen arrimo quseeya gobolka iyo khilaafka kala dhaxeeya Masar.

Kaalamdaan aya kusoo aadeysa iyaddoo Qaramada Midoobay ay ka digtay in Ayaxa uu ku faafo wadamo kale, taasoo ay xustay in ay khatar gelin karto nolosha kumaanaan ruux.

Ayaxa oo dilaacay bishii December ayaa la xaqiijiyey in uu cagta mariyey kumanaan kun oo dhul-beereed ah, waana duulaankii ugu xumaa taariikhda muddo 70-sano ah kadib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM