Talaabo ka dhan ah saraakiisha xerada la weeraray oo lagu dhawaaqay

Image
Image

WASHINGTON, US – Milatariga Mareykanka ayaa bilaabay baaritaan lagula xisaabtamayo saraakiisha joogta saldhiga ay maanta weerartay Al-Shabaab.

Duulaanka oo uu ka dhashay iska hor-imaad toos ah ayaa ka dhacay xeradda oo ku taala ismaamulka Lamu ee gobolka waqooyi barri Kenya.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu shaaciyey in khasaaraha ka dhashay duulaanka uu yahay mid maaliyadeed.

"Warar horudhac ah ayaa sheegaya in waxyeeladu tahay kaabeyaal dhaqaale iyo qalab," ayaa lagu yiri qoraalka oo Garowe Onine uu arkay.

Bayaanka ayaa ku daray: "Qiimeyn isla xisaab lagu sameynayo saraakiisha ayaa haatan socota. Xaqiiqadda soo baxda, waan soo gudbin doonaa".

War-saxaafadeedka ayaa lagu beeniyay war kasoo baxay Al-Shabaab oo ahaa in ay si gaar ah u beegsatay gudaha xeradda.

AFRICOM ayaa xustay in maleeyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida bartilmaameedsadeen garoon ay ka duulaan diyaaradaha yar.

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in shan kamid ah diyaaradaha goobta yaalay, oo laba kamida ahaayeen kuwa qumaatiga u kaca, dab la qabad-siiyey.

Xeradda Manda Bay oo la beegsaday ayaa kamid ah saldhigyadda lagu tababaro ciidamadda dalalka Geeska Afrika ee loo yaqaano argagixiso la dirirka.

Laamaha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey in dableyda weerarka soo qaadey ahaayeen tobban; shan la toogtay iyo shan kale oo nolosha lagu qabtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM