Mareykanka oo shaaciyey mowqifkiisa heshiiska nabada Itoobiya

Image
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu la kulmay Abiy Axmed.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa muujiyay sida ay muhiimka u tahay in si buuxda loo dhaqan geliyo heshiiskii nabadeed ee u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo ciidamada Tigreega.

Antony Blinken ayaa caddeeyay mowqifka xukuumadda Washington ee heshiiskaas uu gardaadiyey Midowga Afrika ka gadaal markii uu wada hadal dheer la yeeshay ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Blinken ayaa sheegay in ay tahay in lagala xisaabtamo gabood-fallada ay geysteen dhammaan dhinacyada, isla markaana kormeerayaasha xuquuqul insaanka loo ogolaado goobihii ay ku burbureen dagaalladii la soo afjaray bishii November ee la soo dhaafay.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in labada mas'uul ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka oo hoos-u-dhacay kadib colaaddii u dhaxeysay ciidamada federaalka, xulafadooda Eritrea iyo Tigrayga.

Mr Blinken, oo sidoo kale la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Tigrayga, ayaa ku dhawaaqay lacag dheeraad ah oo dhan $330m (£247m) oo loogu talagalay Itoobiya si wax looga qabto baaiyaha ka jira meelaha colaadu saameysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM