Mareykanka oo shaaciyey mowqifkiisa xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Washington ayaa waxa ay si cad uga hor-timid aqoonsi caalami ah oo la siiyo Somaliland.

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa walaac xun ka muujiyay in uu sii kordhayo xiisadda u dhaxeysa #Somalia iyo Ethiopia, isagoo ku baaqaya wadahadal diblomaasiyadeed si wax looga qabto arrintan.

Washington oo kamid ah xulafada caalamiga ah ee sida u taageera Muqdisho ayaa si cad uga hor-timid in aqoonsi caalami ah ay u hesho Somaliland wuxuuna ku baaqay in la dejiyo xaalada.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller, ayaa mowqifka dalkiisa waxa uu uga dhawaaqay shir jaraa'id oo uu qabtey Arbacadii waqtiga Geeska Afrika.

"Dowladda Mareykanka waxa ay aqoonsan tahya madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya kuna saleysan xuduudihii 1960-kii," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Go'aanka ay qaadatay xukuumadda Washington oo dharbaaxo ku ah Itoobiya ayaa qeyb ka ah cadaadis caalami ah oo dowladda Soomaaliya bilowdey tan iyo markii ay Addis Ababa heshiiska la gashay Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM