Mareykanka oo Shiinaha u jeediyay eed la xiriirta koox Soomaali ah

Image
Dhaleeceyntan ayaa ku saabsan isku-dayga "burcad-badeedka Soomaalida" ee afduubka markabka Yahuuda.

NAIROBI, Kenya - Isku dayga afduubka markab ganacsi oo marayay gacanka cadmeed maalintii Axada ayaa u muuqda mid ay ka danbeeyeen burcad badeed Soomaali ah oo hubaysan, sidda uu sheegay Mareykanka.

"Waan sii wadeynaa qiimeynta, laakiin calaamadaha ugu horreeya ayaa ah in shantan qof ay yihiin Soomaali," ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka Brigadier General Patrick Ryder.

Ryder ayaa u sheegay warfidiyeenka in ciidamada badda ee Mareykanka ay rideen rasaas digniin ah markii ay kooxa weerarka soo qaaday ay isku dayayeen inay baxsadaan, balse ma jiraan wax dhaawac ah.

Waxa uu intaasi ku daray in deegaankaasi ay ku sugan yihiin saddex markab oo laga leeyahay dalka Shiinaha balse ay ka jawaabi waayeen codsiga uga yimid markabka.

Safaaradda Shiinaha ee Washington ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi faallo ah ama xiriir loola sameeyay si wax looga sheego sheegashada ama eedeynta Mareykanka.

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in labo gantaal oo ballistic ah laga soo riday dhulka Xuutiyiinta ay maamulaan ee jihooyinka guud ee Mason iyo Central Park, balse waxay ku dhaceen meel 10 nautical miles u jirta maraakiibta.

"Nooma cadda cidda ay si sax ah u beegsanayeen," ayuu Ryder ku daray hadalkiisa isaga oo ula jeeday haddii gantaaladda lagu difaacayay falka ay sameeyeen burcad-badeeda.

Isku dayga afduubka markabkan laga leeyahay Yahuuda ayaa daba socday afduub ay Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ku qabsadeen markab xamuul oo xiriir la leh Israel, kaasoo marayay koonfurta badda cas todobaadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM

Dagaalka Moyale oo sii xoogeysanaya, kumannaan qofna u qaxey dalka Kenya

Si kastaba, saraakiisha gargaarku waxay ka digayaan in sahayda jirta aysan dabooli karin baahida sii kordheysa.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:47AM