Mareykanka oo walaac ka muujiyay xaaladda gobolka Tigray

Image
Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda waxay sheegtay in ay si taxadar leh u baari doonto waxyaalaha ku xusan warbixinta.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii asbuucii hore waxay walaac ka muujisay wararka sheegaya gabood fallo ka dhacay gobolka Tigray ee Itoobiya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, Ned Price ayaa sheegay in dowladda Maraykanku ay aad uga walaacsantahay in kumannaan Itoobiyaan ah oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigray-ga lagu soo warramayo in ay weli si sharci darro ah ugu xiran yihiin galbeedka Tigray, iyada oo noloshoodu halis ku jirto.

Waxa uu sheegay in Maraykanku uu “aad uga xun yahay” natiijooyinkii dhawaan ay si wada jir ah u soo saareen labada hay’adood ee hormuudka ka ah xuquuqul insaanka, Amnesty International iyo Human Rights Watch, taasoo lagu ogaaday in rabshadaha gobolka ka dhacay ay ahaayeen isir sifeyn.

Warbixintu waxay soo bandhigtay tacadiyo ay gaysteen ciidamada gobolka Axmaarada oo gacan ka helaya ciidamada dawladda iyo kooxo maleeshiyaad ah, iyadoo sheegtay in boqollaal rayid ah oo ku nool galbeedka Tigray lagu qasbay in guryahooda ay ka qaxaan iyagoo la kulmay hanjabaadyo, kufsi wadareed, diidmo gargaar iyo dil joogto ah.

Cilmi-baarayaashu ayaa sheegay in ay natiijadooda ku saleeyeen waraysiyo lala yeeshay in ka badan 400 oo qof oo deggan galbeedka Tigray.

Mareykanka ayaa ku booriyay in si deg deg ah loo sii daayo dadka sida sharci darada ah ugu xiran galbeedka Tigray waxayna dalbadeen kormeerayaasha caalamiga ah in loo ogolaado inay galaan dhammaan xarumaha lagu hayo, sida uu sheegay Price.

Waa mowqifka Mareykanka in la helo "baaritaanno lagu kalsoonaan karo oo lagu sameeyo xarumaha lagu hayo dadka, lagulana xisaabtamo gabood-fallada ay geysteen dhinacyada isku haya," ayuu yiri Price.

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda waxay sheegtay in ay si taxadar leh u baari doonto waxyaalaha ku xusan warbixinta iyadoo sidoo kale ku dhaliishay in ay hal dhinac u janjeerto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM