Mareykanka oo walaac ka muujiyay xaaladda gobolka Tigray

Image
Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda waxay sheegtay in ay si taxadar leh u baari doonto waxyaalaha ku xusan warbixinta.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii asbuucii hore waxay walaac ka muujisay wararka sheegaya gabood fallo ka dhacay gobolka Tigray ee Itoobiya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, Ned Price ayaa sheegay in dowladda Maraykanku ay aad uga walaacsantahay in kumannaan Itoobiyaan ah oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigray-ga lagu soo warramayo in ay weli si sharci darro ah ugu xiran yihiin galbeedka Tigray, iyada oo noloshoodu halis ku jirto.

Waxa uu sheegay in Maraykanku uu “aad uga xun yahay” natiijooyinkii dhawaan ay si wada jir ah u soo saareen labada hay’adood ee hormuudka ka ah xuquuqul insaanka, Amnesty International iyo Human Rights Watch, taasoo lagu ogaaday in rabshadaha gobolka ka dhacay ay ahaayeen isir sifeyn.

Warbixintu waxay soo bandhigtay tacadiyo ay gaysteen ciidamada gobolka Axmaarada oo gacan ka helaya ciidamada dawladda iyo kooxo maleeshiyaad ah, iyadoo sheegtay in boqollaal rayid ah oo ku nool galbeedka Tigray lagu qasbay in guryahooda ay ka qaxaan iyagoo la kulmay hanjabaadyo, kufsi wadareed, diidmo gargaar iyo dil joogto ah.

Cilmi-baarayaashu ayaa sheegay in ay natiijadooda ku saleeyeen waraysiyo lala yeeshay in ka badan 400 oo qof oo deggan galbeedka Tigray.

Mareykanka ayaa ku booriyay in si deg deg ah loo sii daayo dadka sida sharci darada ah ugu xiran galbeedka Tigray waxayna dalbadeen kormeerayaasha caalamiga ah in loo ogolaado inay galaan dhammaan xarumaha lagu hayo, sida uu sheegay Price.

Waa mowqifka Mareykanka in la helo "baaritaanno lagu kalsoonaan karo oo lagu sameeyo xarumaha lagu hayo dadka, lagulana xisaabtamo gabood-fallada ay geysteen dhinacyada isku haya," ayuu yiri Price.

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda waxay sheegtay in ay si taxadar leh u baari doonto waxyaalaha ku xusan warbixinta iyadoo sidoo kale ku dhaliishay in ay hal dhinac u janjeerto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM