Markab xamuul oo ku rogmaday dekad ku taalla Iiraan

Image
Iran iyo Tanzania ayaa is-dhaafsada wax ka yar $100 milyan oo ganacsi sannadkii.

NAIROBI, Kenya - Markab nooca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Tanzania ayaa Talaadadii ku rogmaday dekedda Assaluyeh ee koonfurta Iran, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Wakaaladda wararka ee IRNA ayaa warisay in markabkan oo magaciisa lagu sheegay Anil uu qalibmay sababo ku aadan in si qaldan loogu soo raray konteenaradda.

IRNA oo soo xigatay mas'uuliyiin kala duwan ayaa waxay intaas ku dartey in kooxaha samatabbixinta ay shaqaalihii markabka ay ku wareejiyeen markab kale. Ma bixin faahfaahin dheeri ah.

Iran iyo Tanzania ayaa is-dhaafsada wax ka yar $100 milyan oo ganacsi sannadkii. Dekeddu waa xudunta ugu weyn ee laga soo daabulo gaaska iyo kiimikooyinka batroolka laga soo saaro Iran.

Sidda laga soo xigtey warbixino laga helay saxaafadda, marsadda ayaa waxay ku taal meel qiyaastii 940 kilomitir (580 mayl) dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda Tehran.

Soo dejinta iyo dhoofinta agabka lagu sameeyo Iran ayaa gaabis ku yimid kadib cunaqabataynta lagu soo rogay bangiyada iyo saliidda taasoo uu  Maraykanku hormuud u yahay.

Xayiraadahaas ayaa waxay ka dambeeyeen ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu 2018-kii k saaray Maraykanka heshiiskii nukliyeerka ee Iran iyo quwadaha adduunka ku gaareen Faransiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM