Maroodi ku dilay askari u dhashay Ingiriiska beer ku taala Malawi

Image

LILONGWE, Malawi – Maroodi ayaa lagu waramayaa in askari u dhashay Ingiriiska uu ku dilay beer duur-joogta lagu xanaaneeyo oo ku taalla wadanka Malawi ee dhaca Koonfur-Bari qaaradda Afrika.

Mathew Talbot, oo ka tirsanaa guutada Coldstream ee ilaalisa xayawaanka ayaa 5-ta bishaan May ku dhintay isaga oo ku guda jira howlgal ka dhan ah ugaarsiga durjoogta ee ka socda dalkaasi.

Wasaaradda Gaashaandhiga Britain oo xaqiijisay geerida Mathew Talbot ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehelka iyo axsaabta marxuumka oo ay ku tilmaamtay in uu ahaa "mid shaqadiisa kasoo baxa".

"Waa arrin murugo leh in aan xaqiijino dhimashada Mathew Talbot. Naxariis ayaan u rajeynaynaa. Ehelkiisana bedel wanaagsan," ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda, sida ku cad bayaanka.

War-saxaafadeedka ayaa nan lagu caddeyn qaabka uu falka u dhacay, marka laga reebo "in dilka uu ahaa si fool xun u dhacay".

Sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah ee UK, Qoyska marxuumka ayaa aad uga naxay geerida Inankooda.

U gaarsiga duur-joogto oo aad ugu badan qaar kamida wadamada qaarada Afrika ayaa laga dhigay mid mamnuuc ah, iyada oo howlgalada looga hortagayo arrintaasi ay qayb ka noqdaan saaxiibo caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Axmed: Itoobiya waxay noqotay maxbuus juqraafiyeed 

Itoobiya ayaa badeedii waysay markii Eritrea go'day 1993, iyadoo tallaabadaasi ay hadda ka shaleynayaan madaxda talada haysa.

  • Afrika

    14-08-2026

  • 12:10PM

Sudan: RSF oo sheegatay inay si buuxda ula wareegtay magaalo u dhow xadka Itoobiya

Dowladda Sudan ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay fududeyneyso taageero milatari oo Imaaraadka Carabta uu siinayo RSF.

  • Afrika

    13-08-2026

  • 04:50PM