Mas'uul ka tirsanaa xisbiga haya taladda Itoobiya oo la dilay

Image
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa khaarijintan waxa uu ku eedeeyay "kooxo xagjir ah".

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqa Sooranka ee Gobolka Axmaarada, Girma Yeshitila, ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay waqooyiga aagga Shoa ee bartamaha dalka Itoobiya.

Shan qof oo kale, oo aan heybtooda la aqoonsan, ayaa ku geeriyoodey isla falkaas. Ismaamulka Axmaarada oo bayaan soo saarey waxa uu sheegay in mas'uulka la khaarijiyey xilli uu safar ku jiray.

Sida laga soo xigtey bayaanka, Yeshitila ayaa waxa uu kasoo kicitamay aagga Mehal Meda kuna socday Debre Birhan. Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Guasa.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in mas'uulka xisbiga ay dileen "xag-jirayaal rabshado wata oo aaminsan in uusan iyaga ku fikir ahayn isla markaana noqon doonin".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Abiy ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in Girma Yeshitila lagu dilay degaankii uu ku dhashay isla markaana uu ku inta ugu badan waayahiisa caruurnimo.

Girma waxa uu xuddun u ahaa go'aankii muranka dhaliyay ee ahaa in la baabi'iyo ciidamada gaarka ah ee gobolka oo "dib u habeyn lagu sameeyo" si laga dhigo ciidan qaran, federaal iyo booliis caadi ah.

Mudaaharaadyada lagu arkay gobolka Axmaarada ee looga soo horjeedo go’aanka ayuu xusay in ay ka dhasheen hoggaan xumo dhanka guddiga loo xilsaaray dib u habeynta ciidamada gaarka ah ee gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM