Masar oo balanqaad cusub u sameysay Dowladda Soomaaliya

Image
Qaahira ayaa kamid ah xulafada ugu dhow ee maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

QAAHIRA, Masar - Masar ayaa taageertay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2714 ee soo baxay 1-dii December 2023 kaasoo meesha ka saaray cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya tan iyo 1992-kii.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa soo saartay bayaan ay ku qiratay in qaraarkan uu muujinayo horumar la taaban karo oo dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo raadinta xasilloonida.

Masar waxa ay xaqiijisay in ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in ay dib ugu soo celiso amniga iyo xasilloonida, iyo sidoo kale horumarinta horumarka dalka walaalaha ah ee Soomaaliya.

"Taageeradan ayaa la filayaa in ay saameyn faa'iido leh ku yeelato ammaanka iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika," ayaa lagu soo gabagabaeeyay war-saxaafadeedka.

Qaahira ayaa kamid ah xulafada madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo booqasho ku tagay Masar bilooyinkiisii ugu horeeyay ee xafiiska tan iyo markii dib loo doortey bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2022-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM

Dagaalka Moyale oo sii xoogeysanaya, kumannaan qofna u qaxey dalka Kenya

Si kastaba, saraakiisha gargaarku waxay ka digayaan in sahayda jirta aysan dabooli karin baahida sii kordheysa.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:47AM