Masar oo heshiis kala dhex-dhigtey Israa'iil iyo Falastiiniyiinta

Image
Ma jiro wax hadal ah oo Israa'iil ay kasoo saartey ku dhawaaqista xabbad joojinta.

QAAHIRA, Masar - Hogaamiyaha kooxda Islamic Jihad ee ka dagaalanta magaalada Gaza ayaa ku dhawaaqay in heshiis xabad joojin ah lala gaaray Israa’iil si loo soo afjaro dagaal culus oo socday shan maalmood.

Mohamad Al Hindi ayaa u sheegay kanaalka Al Kahera Wal Nas Sabtidii in heshiiska ay Masar dhexdhexaadinayso uu dhaqan geli doono 10PM wakhtiga maxaliga ah (1900 GMT).

"Hadda, heshiiskan waxaa lagu gaarey iyadoo ay ugu wacan tahay dadaalka Masar ee joogtada ah, waan ka mahadcelineynaa dadaalkan," ayuu hadalkiisa kusii daray Al Hindi.

Laakiin wax yar ka hor inta uusan dhaqan gelin heshiiska, Israa’iil ayaa ka warbixisay gantaallo xooggan oo ay Falastiiniyiintu ku garaaceen koonfurta iyo bartamaha Israa’iil, waxayna sheegtay in ay duqaymo ku hayso gudaha Qaza.

Ma jiro wax hadal ah oo Israa'iil ah oo ku saabsan ku dhawaaqista xabbad joojinta. Laakin Masar ayaa mar sii horeysay sheegtay in heshiis uu dhaw yahay.

Masar waxay inta badan u shaqeysaa sidii dalaal u dhexeeya Israa'iil iyo kooxaha Falastiiniyiinta ee Gaza. War la mid ah kan ka soo baxay Masar todobaadkii hore ayaa shaaca ka qaaday iyadoo uu dagaalku socdo.

Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay 33 falastiiniyiin ah kuna sugnaa Qaza, oo ay ku jiraan ugu yaraan 13 qof oo rayid ah, sidda ay xaqiijiyeen kooxaha qaabilsan gurmadka caafimaadka.

Labo qof ayaa ku geeriyoodey gantaallo ku dhacay Israa’iil, oo ay ku jiraan haweeney 80 jir ah oo Israa’iili ah iyo nin Falastiini ah oo Gaza ku dhashay oo ruqsad u haystay inuu ka shaqeeyo gudaha maamulka Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM