Masar oo iska-fogeysay in ay gantaalo ku taageereyso Ruushka

Image
Xukuumadda Qaahira ayaa ku adkeystay in mowqifkeeda dagaalka Ukraine uu yahay dhexdhexaadnimo.

QAAHIRA, Masar - Mas’uul u hadlay Masar ayaa "eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn" ku tilmaamay in Qaahira ay qorsheyneysay inay si qarsoodi ah u soo saarto 40,000 oo gantaal oo ay siiso Ruushka

Warbixintan ayaa ku jirtey dukumiintiyo sir ah oo ay faafiyeen warbaahinta Mareykanka kuwaasoo sheegay in ay soo dusiyeen illo wareedyo ka tirsan wasaaradda difaaca dalkaas ee Pentagon-ka.

Diidmada xukuumadda madaxwayne Cabdel Fataax Al-Siisi ayaa waxaa faafiyay dhowr kanaal warbaahinteed dowladda Masar taageera wallow aysan shaacin mas'uulka ay soo xiganayaan.

Dukumentiyadan ayaa waxa helay wargeyska Washington Post kaasoo tibaaxay in qorshahan uu Al-Siisi u xil-saarey saraakiil uu ku kalsoon yahay isaga oo ka walaacsan in ay ogaadana reer galbeedka.

Mas'uulka la soo xigtay ayaa sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in xukuumadda Qaahira aysan dhinacna ka raacin dagaalka Ukraine taasoo ka dhigan in mowqifkooda uu dhexdhexaad yahay.

Geesta kale, Aqalka looga taliyo Ruushka ee loo yaqaano Kremlin-ka ayaa eedeymahaas ku tilmaamay "been abuur kale". Dhawaqan waxa uu imaanayaa xilli reer galbeedka isku-diyaarinayaan difaacida Kyvi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM