Mas'uul si qasab ah lagu geliyey karan-tiil markii lagu tuhmay COVID19

Image

NAIROBI, Kenya – Barasaabka ismaamul goboleedka Kilifi ee waddanka Kenya ayaa si qasab ah waxaa lagu geliyey karan-tiil muddo 14-maalmaamood ah, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Sidda ay saxaafada kasoo xigtay Wasaaradda Caafimaadka, talaabadaas ayaa ka dambeysay markii Gideon Saburi uu diidey in uu galo mudada huuriska xili uu safar kaga yimid Jarmalka.

Saburi, oo ku adkeystay in uusan qaadin Coronavirus, ayaa la wariyey in uu 1-dii bishaan Maaj kasoo laabtey Jarmalka, halkaasoo socdaal shaqo uu ku gaarey.

Saraakiisha caafimaadka garoonka ayaa xiligaas kula talisay in uu gurigiisa ku negaado muddo 14-maalmood ah, balse wuu ka dhega-fureystay baaqaas, isagoo shaqadiisa iska watay.

Warfidiyeenka ayaa tabisay in dadka degaanka ay carro ka muujiyeen arrintaas, isla markaana ay Saburi ku sifeeyeen "hogaamiye daneyste ah oo aan u qalmin in uu majaraha u hayo gobolka".

Taageereyaashiisa ayaa talaabada karan-tiilka lagu geliyey ku qeexay "xarig" hase ahaatee, waxaa gaashaanka ku dhuftay Xildhibaanada oo sheegay in uu la xiriiro ka hortagga COVID-19.

Kenya ayaa diiwaan-gelisay 15-kiis oo xanuunkaas dilaaga ah. Dowladdu waxay soo rogtay in la xiro Masaajida, Kaniisadaha iyo Makhaayadaha si lamid ah waxay joojisay duulimaadyada caalamiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM