Saraakiil WHO u qaabilsanaa howlaha la tacaalida Covid-19 oo la eryay

Image

GITEGA, Burundi – Dowladda Burundi ayaa ku amartay madaxa hay'adda caafimaadka aduunka u jooga dalkaas iyo saddex khabiir kale oo isku dabaridayey la tacaalida Coronavirus in ay ka baxaan wadankaas.

Mas'uuliyiinta la eryay ayaa kala ah; Dr Walter Kazadi Mulombo, wakiilka WHO, Dr Jean Pierre Mulunda Nkata, isu duwaha dalkaas ee arrimaha Covid-19, Dr Ruhana Mirindi Bisimwa, madaxa cudurada faafa, iyo xeel-dheere arrimaha sheybaarka tijaabada xanuunkaas dilaaga ah, Prof Daniel Tarzy.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa warqada ku taariikheysan 12-ka May loona diray xafiisyadda WHO ee Afrika ku sheegtay in saraakiishaan loo baahan yahay in ay ka hayaamaan dalkaas maalinta Jimcada.

Wakaalada wararka AFP ayaa mas'uul codsaday in aan magacaabin kasoo xigatay "waa guud ahaan kooxda WHO ee qaabilsanaa in ay Burundi ka taageeraan jawaabta ay ka bixineyso la dagaalanka Covid—19".

Sidda laga soo xigtay warbixino horudhac ah, mas'uuliyiinta la eryay waxaa lagu eedeeyay "faragelin aan la aqbali karin oo ay ku sameeyaan howlaha maareynta dowlada ee cudurka".

Warqada kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibada ayaanan lagu xusin sababta loo eryayo mas'uuliyiinta. Balse, illo wareedyo diblumaasiyadeed waxay xaqiijiyeen in isku day noocaan ah uu dhacay bil kahor.

Talaabadan aan horey digniinta looga bixin ayaa kusoo beegmeysa maalmo kahor inta dadka Burundi aysan u dareerin doorashooyinka madaxtooyadda, baarlamaanka iyo dowladaha Hoose ee 20-ka bishaan May.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM