Maxaa ka jira in Cabdi Illay uu xabsiga ku geeryooday? [DHAGEYSO]

Image

ADDIS ABABA - Hooyadda Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Deed Mahad Collow ayaa shaaca ka qaaday in wiilkeeda si xun loogu jirdilay Xabsi ku yaalla Addis Ababa, Itoobiya, halkaasoo uu ku xiran yahay tan iyo bishii hore.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa loo soo xiray eedaymo ku saabsan tacadiyo ka dhan ah bini'aadnimada, ku tagrifal awoodeed, kicin bulsho iyo musuq-maasuq mudadii 15-ka sano ee uu xukunka DDSI soo hayay.

Deed ayaa sheegtay in wiilkeeda mar ay ku booqdeen Xabsiga shalay oo Isniin ahayd ay indha soo saareen iyada oo ay wehliso xaaskiisa jirdil baahsan oo ay ugaysanayaan Sideed nin oo aysan qeexin waxay yihiin.

"Aniga oo ay ila socoto xaaskiisa waxaan u tegnay Cabdi Illey isagoo la jirdilayo. Waxay kasoo tuureen Jaranjaro, waxaana ka muuqatay dhibaato badan oo loo gaystay, markii aan isku deynay inaan la hadalno way nasoo eryeen," ayey hadalkeeda raacisay.

Maama Deed oo sii hadlaysa ayaa tilmaamtay in Cabdi Maxamuud Cumar uu ula muuqday iyaga ahaan mid meyd ah oo ay naftii ka huleeshay, iyada oo carabka ku dhufatay in loo diiday inay soo qaataan meydkiisa, sida ay hadalkeeda udhigtay.

"Meyd ayuu u ekaa, markii aan u tagaynay. Waxaan ku niri kuwii garaacay inay nasiiyaan meydka balse way nasoo eryeen, wayna noo diideen inay nasiiyaan xitaa meydkiisa," ayey ku daratay hadalkeeda Hooyadda dhashay Madaxwaynihii hore ee DDSI, Deed Mahad Collow.

Ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya hadalka Deed Mahad Collow, oo ku aadan jirdilka ay sheegtay in Cabdi Illey loogu geystay Xabsiga uu ku xiran yahay ee Addis Ababa.

Hasa yeesheen, waxay waxwalba ay kala cadaan doonaa maalinta Jimcaha ah ee todobaadkan, kolkaasoo loo madalsan yahay inuu Cabdi Illay kasoo muuqdo maxkamad si ay xukun ku eedan eedaha loo haysto ugu rido maxkamadda dambiyada Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM