Maxaa ka jira in South Sudan ay Masar siisay dhul laga dhiso saldhig milari?

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dowladda Suudaanta Koonfureeda ayaa Khamiista maanta ah waxay gaashaanka ku dhufatay wararka sheegaya in ay Masar siisay dhul ay ka dhisato saldhig ciidan.

Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda fadhigeedu yahay Jubba oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa warbixinada la xiriira arrintas ku sifeysay "been abuur aan sal iyo raad lahayn".

"Waa waxbo kama jiraan. Ma jiro heshiis dhexmaray Suudaanta Koonfureed iyo Masar oo dhulka Jamhuuriyadda South Sudan looga dhisayo saldhig ciidan," ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, Suudaanta Koonfureed ayaa u aragta dadka buunbuuniaya wararkaas kuwa doonaya in ay colaad ka dhex-abuuraan dowladaha deriska ah ee gobolka.

"Suudaanta Koonfureed waa dal nabadda jecel, wuuna sii ahaan doonaa. Waxaan taageeri doonaa isla markaana aan taageersanahay nabadda gobolka iyo guud ahaan caalamka," ayay raacisay.

Sheekooyinka la xiriira in Suudaanta Koonfureed ay saldhig milatari siineyso Masar ayaa kusoo hagaagaya xilli ay xiisad xoogan u dhaxeyso Itoobiya iyo Masar oo isku haya biyo xireenka Nile.

Addis Ababa iyo Khaahira ayaa xiriir wanaagsan la leh Suudaanta Koonfureed, waxayna la leeyihiin ikaashi dhanka ammaanka ah si lamid ah waxay hadda ka taageeraan ka hortagag Covid-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM