Maxkamad diidey ciidamo ay Kenya u diri lahayd dalka Haiti

Image
Kenya ayaa rajaynaysay inay saraakiisheeda ay gaaraan Haiti isla bishan si ay ula tacaalaan rabshadaha.

NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taal Kenya ayaa go’aamisay in qorshaha saraakiil ka tirsan booliska dalkaas loogu dirayo Haiti si ay u hoggaamiyaan howlgalka ay Qaramada Midoobay ansixisay uu yahay mid aan dastuuri ahayn.

Diidmadda Maxkamadda ayaa waxaa lagu waramay in ay shaki-gelisay mustaqbalka hindisahan la doonayo in wax looga qabto kooxaha burcadda ah ee dalkan dhaca Caribbean-ka.

Garsooraha maxkamadda sare, Chacha Mwita, ayaa Jimcihii sheegay in sida uu qabo sharciga Kenya, mas’uuliyiinta dibadda loo diri karo oo kaliyah haddii "uu jiro is-dhaafsi" dowladda martida loo yahay.

"Sidaas darteeda, talaabaddan waxay ka hor imaanaysaa dastuurka iyo sharciga, sidaas darteed waa mid aan dastuuri ahayn, sharci-darro ah oo aan waxba ka jirin," ayuu yiri Mwita.

Xisbi mucaarid ah ayaa bishii Oktoobar ka horyimid go'aanka dowladda ay ku dirtay 1,000 sarkaal si ay wax uga qabtaan qalalaasaha sii xumaanaya ee Haiti, halkaasoo rabshado burcad ah ay ku dileen ku dhawaad ​​5,000 oo qof ayna ku qasbeen ku dhawaad ​​200,000 oo qof guryahooda sanadkii hore.

Kenya ayaa rajaynaysay inay saraakiisheeda ay gaaraan Haiti isla bishan kadib markii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay hawlgalka bishii Oktoobar, laakiin maxkamad ayaa soo saartay hakinta ciidamadeeda wax yar ka dib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM