Maxkamadda Sare ee Kenya oo ayiday guusha William Ruto

Image
Is-dabamarinada lasoo wariyay ayay shaaca ka dhigtey in aysan saameyn ku yeelan karin natiijadda.

NAIROBI, Kenya - Maxkamadda sare ee Kenya oo taageertay guushii William Ruto ayaa gaashaanka ku dhufatay faragelin lagu sameeyay natiijadii doorashadii qabsoontey 9-kii bishan Ogosto.

Is-dabamarinada lasoo wariyay ayay shaaca ka dhigtey in aysan saameyn ku yeelan karin natiijadda uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka ee labada garab u kala jabay.

Xukunkan ayaa dharbaaxo u ah Raila Odinga iyo kooxdiisa kuwaasoo gudbiyey cabashadda ka gadaal markii guddiga doorashadda uu shaaciyey in Ruto uu yahay madaxweynaha soo aadan.

Labada nin ayaa horey u shaaciyey in ay u hogaansami doonan go'aan walba oo kasoo baxa Maxkamadda Sarre. Balse illaa haatan midna kama uusan hadlin xukunka xeerbeegtada sarre.

"Uma burburin karno natiijadda doorashada madaxweynaha sababo ku aadan khilaafka ka dhex-jira guddiga doorashooyinka dhexdiisa," ayay tiri guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Kenya.

Martha Koome oo hadalkeeda sii wadata ayaa hoosta ka xariiqdey in geedi-socodka doorashadda uu ahaa mid daahfuran oo cadaalad ah wallow daqiiqadihii ugu dambeeyay uu yimid khilaaf.

"Afarta xubnood ee kamid ah guddiga doorashadda Kenya ee qaadacay natiijadda waxay si dhow ula socdeen tirinta codadka kahor inta aysan gooni isku taagin," ayay raacisay Martha Koome.

Ruto oo noqonaya madaxweynaha 5aad ee Kenya isla markaana badalaya ninku ku xigeenka u ahaa ee Uhuru Kenyatta ayaa lagu waddaa in la dhaariyo 13-ka bishan September sanadka 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM