Maydadka 17 qof oo lagu helay goob lagu caweeyo

Image
Meydadka waxaa lagu tilmaamay in ay dulsaaran yihiin kuraas 'aan lahayn calaamad dhaawac ah'.

CAPE TOWN, South Africa – Ugu yaraan 17 qof ayaa meydkooda laga helay goob lagu caweeyo oo ku taal deegaan lagu magacaabo London ee dalka koonfurta Koonfur Afrika Axadii, sida ay booliisku sheegeen.

Sarreeye Guuto Tembinkosi Kinana ayaa sheegay in booliska ay ku wargeliyeen xubno ka tirsan dadweynaha shilka ka dhacay beerta Scenery, oo qiyaastii 3km u jirta bartamaha magaalada.

"Xaaladaha ay ku dhinteen ayaa waxaa ku socda baaritaan," Kinana ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo intaas ku dartay in ay goor hore ahayd in la ogaado sababta dhimashada dhallinyarada da'doodu u dhaxayso 18-20 sano.

Balse ku dhawaad labaatameeyo qof ayaa meydkooda la helay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Xubnaha qoyska iyo waalidiintooda oo quus ah ayaa dibadda istaagay iyagoo isku dayaya in ay gudaha galaan, iyagoo ku dhawaaqaya magacyada dadka ay jecel yihiin, goob-joogayaal ayaa sheegay.

Adeegga wararka Koonfur Afrika ee Dispatch Live ayaa sheegtay in weriyahooda uu ku sugnaa goobta 'wax laga naxo' - laakiin wuxuu sheegay in sawirradu aysan ku habboonayn daabacaadda.

Ilaa hadda lama garanayo sababta keentay dhimashada, balse wararka la isla dhexmarayo ee laga maqlayo goobta laga cabo ayaa sheegaya in dadka wax dilay ay isticmaaleen sun.

Meydadka waxaa lagu tilmaamay in ay dulsaaran yihiin kuraas 'aan lahayn calaamad dhaawac ah'.

Laakin Adeegga Booliska Koonfur Afrika ee SAPS ayaa ku andacooday in aysan rabin in ay mala-awaal sameeyaan ilaa baaritaankooda la dhameeyo.

Sarreeye Guuto Tembinkosi Kinana ayaa u sheegay Newsroom Afrika: “SAPS waxay xaqiijinaysaa dhacdo dad meydadkooda laga helay taargada Scenery Park ee nawaaxiga Bariga London.

“Warbixintan waxa na soo gaaray saacadihii hore ee Axadda, duruufaha ku gedaaman dhacdadan waxa ku socda baaris sida aanu u hadlayno. Dhacdadaan naadirka ah ayaa boolisku sheegay in ay baaritaan dheeri ah ku samayn doonaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM